4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Kooxda xiriirka la leh ISIS ee Soomaaliya oo sheegtay in ay la shaqeynayaan hoggaamiyahooda cusub

 

Isniin, November, 04,2019 (HOL)- Kooxda xiriirka la leh ISIS ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay la shaqeynayaan hoggaamiyaha cusub ee lagu dhawaaqay ee Quraishi kaddib dhimashadii Abuubakar Al-Baqdaadi oo ay dileen Mareykanka

Kooxdan oo inteeda badan ka dagaalanta gobollada Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirada dagaalayahanooda oo dhax taagan geedo islamarkaana wacad ku maraya in ay u hogaasamayaan awaamiirta hoggaamiyaha cusub ee lagu dhawaaqay.

Quraishi ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha kaddib fariin maqal ah oo ay kooxdu baahisay Khamiistii toddobaadkii hore iyaga oo dhanka kalana cadeeyay geerida hoggaamiyahoodii weynaa Al-Baqdaadi oo ay Mareyku sheegeen in ay ku dileen duqeyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]