Axad, October, 03, 2019 (HOL)-Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey, CabdiQani Cali Maxamuud Cali Buneyste Cali Muxudiin Abshir ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.
Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay
ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala
duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha
Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo
gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.
Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey, CabdiQani Cali Maxamuud Cali Buneyste ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore.
August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer
ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe
si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u
xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada
koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey CabdiQani Cali Maxamuud Cali Buneyste Cali Muxudiin Abshir Cali Kuulow waxaa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada
barista hey’adaha Amniga.
Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay
ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta
ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.
Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay Gacanta Ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka
hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]