4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Wasiir Sabriye'' Waxa hadda ka dhacaya Galmudug ma'aha wax qurux badan waa dib u noqosho

 

Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in dhaqdhaaqyada uu arkayo waxa ka socda Galmudug aysan wax qurux badan.

Ahlu Sunna Waljameeca ayuu ku eedeeyay wasiirku in ay caqabad ku yihiin sida uu hadalka u dhigay dhismaha Galmudug heshiis lagu hayay oo ay u dhan yihiin deegaannada ku dhax nool oo idil, isaga oo intaa raaciyay in wax yaabo aan u qalmin halgankoodii dheeraad doonayaan in ay u burburiyaan masiirka umadda ku dhaqan Galmudug.

''Waxan aan arkayo ma'aha wax ka tarjumaya heshiiskii lagu dhisay Ahlu Sunna Waljameeca iyo dhabihii dheeraa ee la soo maray, waxaan leeyahay ragga culimada ah war ha is karaamo tirina dowladda Soomaaliya diyaar ayeey idiin tahay hanagu qasbina in xudduuda leys kala baxo, dowladda Soomaaliya in badan ayeey idiin dabcisay ka daaya in aad jiidaan ilaa uu Go' Katiinka noo dhaxeeya'' ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayay mas'uuliyiinta iyo Waxgaradka gobolka Galguduud.

Wasiir Sabriye ayaa intaa ku daray wali diyaar u yihiin dhankooda in ay la hadlaan lana fariistaan mas'uuliyiinta Ahlu Sunna si xal looga gaaro tabashadooda. 

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili xiisado colaadeed ay ka taaggan yihiin qeybo ka mid ah gobolka oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen dhismaha maamulka Galmudug oo qolo walba ay soo magacaawday guddi u gaar ah oo ka shaqeynaya soo xulista xildhibaannada Galmudug cusub. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]