4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Dhaqdhaaqyo ciidan oo ka jira Dhuusa-Mareeb iyo ciidamada dowladda oo la wareegay xarumo muhiim ah

 

Axad, November, 03,2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda la wareegay xarumo muhiim ah oo ay degenaayeen saraakiisha iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Wararka ka imanaya degmada ayaa sheegaya in Ahlu Sunna isaga baxeen fariisinkoodii ugu weynaa degmada  iyaga oo xoogaggooda isugu geerayay xarunta INJI oo uu degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna. 

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay xireen dhamaan wadooyinka  soo gala Magaalada Dhuusa-Mareeb, si ay u hubiyaan nabad-galyada guud ahaan degmada.

Waxaa soo baxaya digniinno laga soo saarayo xaalada Galmudug iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee soconaya oo laga cabsi qabo in marka danbe ay isku badalaan dagaal culus.

Saacadihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda ayaa u muuqda kuwo isku ballaarinaya guud ahaanba maamulka iyo gacan ku heynta deegaannadda ay gobolka ka maamulaan Ahlu Sunna Waljameeca, iyaga oo horay ula wareegay degmooyinka Guri-ceel iyo Matabaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]