5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2019
Somaliland oo saakay Xabsiga dhigtay Sagaal ruux oo u dhashay Wadanka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta


Talaado, November, 26, 2019 (HOL)-Ciidamada Somaliland ayaa saakay Xabsiga dhiggay Sagaal ruux oo u dhashay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la sheegay in ay si shari darro ah u Ugaarsanayeen.

Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee nagaalada Hargeysa ,iyaga oo ku sii jeeday dalkooda, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga u gaar sanayeen deegaannada  Soomaaliland.

Raggan ayaa  dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka  Maroodi-Jeex oo ah halka ay ku Ugaarsanayeen  markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse  waxaa la ogaaday in ay si sharci darro ah u ugaadhsanayaan.

Soomaaliland ayaa horay  deegaanneeda uga erisay  Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci  darro ah ay ku joogeen deegaannada Soomaaliland ,iyaga oo sidoo kale ku  amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]