11/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2019
Deeq ka timid Jaaliyada Ottawa ee dalka Canada oo loo qeybiyay qoysas ay saameysay Fatahaadda gobolka Hiiraan


Axad, November, 24, 2019 (HOL) –Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa deeq raashin ah soo gaarsiiyay qoysas danyar ah oo saameyn adag ay ku yaalatay Fatahaadii ugu danbeysay ee ku dhufatay gobolka Hiiraan.

Qoysaskan deeqda la gaarsiiyay ayaa ka soo barakacay ilaa Shan Tuulo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo hadda ku sugan deegaan lagu magacaabo Mareerta Waqooyiga gobolka kuwaa oo aan nasiib u helin in ay la gaarsiiyo gargaarka iyo deeqaha kala duwan ee loogu –talagay dadka y daadadku saameyeen oo intooda badan loo qeybiyo dadka ku barakacay daafaha magaalada gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarrada gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali [Faarax Diir] ayaa Hiiraan Online u sheegay in sababta ay dadka u soo xusheen tahay in aysan helin gargaarka loogu talagalay dadka ay Fatahaadu saameysay madaama iyaga laftirkooda ay ka mid yihiin dadka ka barakacay dadaadka ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

‘’Dadkan ku dhaqan deegaanka Mareerta ee Waqooyiga gobolka Hiiraan waxey ka soo barkaceen ilaa shan tuulo gobolka ka tirsan, waa dad dan-yar ah runtii u baahnaa in la gargaaro, sababta aan xulanay ayaa ah in wali aan wax gargaar ah la soo gaarsiinin ayuu yirii ‘’ Guddoomiyaha Ururka dhalinyarrada Gobolka Hiiraan.

Saciid Faarax Ducaale oo ay u soo wakiisheen Jaaliyada magaalada Ottawa ee dalka Canada deeqday ayaa sheegay in Jaaliyadu ka damqatay dhibaatada soo gaartay dadkan, islamarkaana garteen in ay soo gaarsiiyeen deeqdan oo ay ka faa’ideysteen ayuu yiri ilaa 500 qoys oo siweyn ugu baahnaa gargaarkan.

‘’Lacagta raashinka lagu soo iibiyay waxaa laga soo uruuriyay dad Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Ottawa ee dalka Canada, Anniga ayeeyna igu soo aamineyn in aan soo gaarsiiyo dadkan u baahan’’ ayuu yiri Saciid Ducaale.

Gaar ahaan waxaa ay uga mahad celiyay deeqdan shaqiyaadka kala ah wakiilka xawaaladda AMAL ee magaalada Ottawa Cabdirizak M. Jaamac oo lacag la'aan ku xawilay lacagtii deeqda ahayd,  Sheekh Saciid Cali, Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, Cabduqaadir Ilkacase, Cabduqaadir Tahliil Muumin iyo ugu danbeyntii Sheekh Cabdinaasir Xaashi oo dhamaantood gacan ka geystay soo uruurinta deeqdan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]