10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2019
Golaha Guurtida oo laba sanno u kordhiyey xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland

 

Axad, November 24,  2019  (HOL )– Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta u kordhisay 24 bilood xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ka dib markii dib u dhacday doorashaddii la filayey inay dhacdo dabayaqaadka sanadkan 2019-ka.

Muddo kordhintan ayaa noqonaysa tii lixaad ee loo sameeyo golaha Wakiiladda oo la doortay sanadkii 2005-kii, waxaanay ahayd inay sanadkan bisha November ay doorashadoodu dhacdo.

Kalfadhiga aan caadiga ahayn waxa ka soo qaybgallay 71 xildhibaan, waxaana muddo kordhintan ogolaaday 70 xildhibaan, sidaas baa lagu ansixiyey laba sanno oo muddo kordhin ah oo loo sameeyey golaha Wakiiladda.

Xisbiyada mucaaradka oo hore ugu dhowaaqay in aanay ogoleen muddo kordhin loo sameeyo golaha Wakiilada iyo dib u dhaca doorashadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay muddo kordhintan cusub.

Muddo kordhintan ayaa buuq kale oo hor leh ka abuuri doonna xisbiydda mucaaradka ah iyo xukuumadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.