Jubbaland’’ Ciddii rabta in ay la shaqeyso Dowladda Dhexe looma joojinayo xilka waa laga qaadayaa
Sabti, November, 23, 2019 (HOL)-
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda
Soomaaliya ay fara-galin ba’an ku heyso deegaannada Jubbaland oo sida uu
hadalka u dhigay kala qeybineyso iyadoo adeegsaneysa ayuu yiri awoodo
shisheeye.
Wuxuu sheegay in shaqada maamulka
Jubbaland marnaba saameyn ku yeelan doonin shaqsiyaad iyo mas’uuliyiin sida uu
hadalka u dhigay raba in ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka ka go’aan
Jubbaland inteeda kale.
‘’Ciddii maamulka Jubbaland ka
tirsan ee shaqo u doonata Dowladda Federaalka looma joojinayo xilka waa laga
qaadayaa mid cusub ayaana la magacaabayaa’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka
Jubbaland.
Waxaa iska diiday in isaga laftirkiisa ay u suurtagali
weyday in uu booqdo qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Gedo oo lagaga hortagay
mudaaraaadyo iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka uu madaxweyne
ku-xigeenka ka yahay.
Qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Galbeedka
gobolka Gedo oo inta badan uu maamuli jiray Wasiirkii Amniga Jubbaland oo
Muqdisho ku xiran ayaa sheegay in ay ku biireen dowlada dhexe ee Soomaaliya,
islamarkaana aysan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]