4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo faray Hay’adaha Dowladda in la dardar geliyo Hawlaha Gurmadka Fatahaadaha


Sabti, November, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Gobolleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadka dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah.

"Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku." ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay madaxweynaha madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ,ayaa faray Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso dhammeystirka qorshaha kahor-tagga musiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo xal waara u ah dhibaatooyinkan soo laalaabtay ee galaaftay nolasha iyo hantida muwaadiniinteenna.

"Halkan waxaan u imaannay in aan idinla qeybsanno xanuunka iyo dhibka aan ka aragnay fatahaadahan oo soo noqnoqday. In kasta oo tabarteenno la egtahay waa in aan u istaagnaa ka hortagga dhibaatooyinkan. Waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinaynaa dhammaan muwaadiniinta nooga shahiiday.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ugu Dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]