4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka oo lagu weerarray dulleedka degmada Matabaan

 

Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya weerar culus lagu qaaday gaadiid dagaal oo uu la socday Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka ayaa ku sii jeeday degmada Matabaan hasse ahaatee waxaa lagu waramayaa in ay is hortaag ku sameeyeen maleeshiyaad hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Ururka Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana dad ku sugan degmada Matabaan Warbaahinta u sheegeen in ciidamada dowladda xoog ku galeen degmada.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hormaadka dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka dagaalamay.

Gacan ku heynta degmada Matabaan ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowlada federalka, waxaana horay maamulka degmada gacanta ugu hayay xoogagga Ahlu Sunna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]