4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Madaxweyne Biixi oo Ciidanka Somaliland uga tacsiyeeyay geeridii ku timid taliyahoodii Cabdullaahi Fadal Iimaan

 

Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u direy ciidamada kala duwan iyo bulshada Somaliland geeridda ku timid taliyihii guud ee Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”ayuu ku yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Marxuum Fadal Iimaan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka BOoliska, waxaanu la soo shaqeeyey isagoo taliyaha ciidanka ah saddexdii madaxweyne u dambeeyey, madaxweyne Rayaale, Siilaanyo iyo Biixi.

Marxuumka waxa maanta duhurka lagu aasi doonna koonfurta magaaladda Hargeysa, waxaana salaadda duhur lagaga tukan doonna masaajidka Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Maxmed Kaahin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.