4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
In ka badan 270, 000 oo qof ayaa ku barakacay fatahadda Soomaaliya sida waxaa sheegtay Qarramada Midoobey

 

Sabti, November, 02, 2019 (HOL)- In ka badan 270, 000 oo qof ayaa ku barakacay dadaad ka so rogmaday wabiyada Shabeelle iyo Jubba bishan October, sida lagu sheegay warbixin Jimhii ay soo saartay Qarramada Midoobey

Tirada ugu badan dadkan ayaa ku sugan daafaha magaalada Beledweyne oo gabi ahaanba saameeyay Wabiga oo si aan horay loo arag ugu fatahay guud ahaan xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne,

Tani waxaa ay ka dhigeysaa tirada guud ahaan sanadkan ka barakacay Soomaaliya, Fatahaaddaha, Abaarta iyo colaadaha ilaa 575, 000 oo ruux sida lagu sheegay warbixin ay wada jir u soo saareen hay'addaha UNHCR iyo NRC.

Hay'adda NRC ayaa sheegtay in dhowr Kun oo ruux oo ku nool aaga ay dhibaatadu sida darran u saameysay ee Beledweyne ay wajahayaan xiligan xaalad nolaleed oo aad u adag, qaarkood ayaa ku hoydaan geedaha hoostooda ,halkaa kuwa kalana ay guryo u yihiin Teendhooyin ay iyagu sameysteen.

Marka laga soo tago khasaraha nafeed ee fatahaadani ka geysatay magaalada Beledweyne sidoo kale waxaa lumay guud ahaanba aas-aaskii nolasha, biyuhu waxaa ay qaadeen oo ay la tageen dalagii sanadkan la filayay in uu soo go' ganacsigii ayaa bur buray, sidoo kale waxaa jirta biyo la'aan aad u darran oo ay ka cabanayaan dadka barakacay, iyadoo laga cabsi qabo dhinaca kale sicirbarbar ku dhaca badeecaddaha la kala iibsado gaar ahaan raashinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]