Shir ay soo qabanqaabisay Qarramada Midoobey oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi
Talaado, November, 12, 2019 (HOL) – Magaalada Nairobi
ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir labo cisho soconaya oo ay soo
qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta dadka (UNFPA), waxaana
lagu wadaa in kulanka looga arinsado qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada
horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee
hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.
Dhinaca Soomaaliya waxaa kulanka uga qeybgalaya
wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo oo maalintii shalay gaaray magaalada Nairobi.
Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Kenya ayaa waxaa hordhac u sii ahaa
diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo
la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha
lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo
Dowladda Soomaaliyeed.
Marka kulanka laga soot ago waxaa jiri doona
kulamo gargaar ah oo wafdiga dowladda Federaalka la yeelan doonaan madaxda
heerka caalami ee kulanka ka qeybgali doonta, lamana oga in madaxweyne Farmaajo
si gaar ah isku arki doonaan dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo
labada dowladdood ay wali dhax taalo doodda leysku mari- la’yahay ee dacwadda
Badda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]