4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2019
Culimada magaalada Laas-caanood ayaa ku baaqay gurmad loo fidiyo Baladweyne

 

Jimco, November, 01, 2019 (HOL)-Culimada magaalada Laascaanood ayaa ku dhawaaqay gurmad aan kala hadlahayn iyagoo inta badan qudbadii Jimcaha lagu soo qaatay dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan.

Culimada ayaa salaada jimcaha ka dib bilaabay in ay ururiyaan dhaqaale loogu deeqayo dadka dhibaatadu ka soo gaadhey daadadka baahsan ee dadka gobolka Hiiraan aafeeyey.
 
"Illaahay  ayaa miisaama makhluuqa waxaa uu siinayo  hadii in yar kororodh yimaado  aafo ayaa imaanaysa, hadii maanta reer Hiiraan ay haysato maalinba qolo ayay haysanaysaa, Soomaaliduna gurmadka iyo naxariista caan ayay ku  tahay" sidaana waxaa yidhi Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa bulshada  salaadii Jimcaha kula wadaagey masjidka Cali Bare.
 
Waxaa la sameeyey sanaaduuq dhaqaalaha lagu ururiyo si ay cid waliba uga qayb qaadato gurmadka.
 
Sidoo  kale magaalooyin badan oo ay Buuhoodle ka mid tahay ayaa iyana laga  wadaa gurmadka loo fidinayo dadka aafada fatahaada Illahay ku keenay.
 
Seynab Cabdi Warsame 
Laascaanood