4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2019
Dowladda Itoobiya oo Boqolaal ruux u xirxirtay rabshadihii dhawaan dhacay

 

Jimco, November, 01, 2019 (HOL)-Ciidamadaoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya.

Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan  loo hayo rabshada dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada  looga hor tagayo qaswadayaasha.

Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka  mid ah dalka Itoobiya oo ay ku jirto magaalada ddis Ababa, markii  ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu  ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]