4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2019
UN'' Waxaa jira haween Kenyaan ah oo looga faa'ideysto guur qasab ah iyo adoonsi galmo gudaha dalka Soomaaliya

 

Jimco, November, 01, 2019 (HOL)-Warbixin ay soo saartay Qarramada  Midoobey ayaa lagu sheegay in ay jiraan tiro badan oo haween Kenyaan ah oo gudaha dalka Soomaaliya lagu hayo gudaha dalka Soomaaliya iyadoo looga faa'ideysanayo guur qasab ah iyo adoonsi Galmo.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in haweenka sida gaar ah loo bartilmaameedsado yihiin kuwo ka yimaada magaalo xeebeedka dalka Kenya, iyadoo loo sheegayo rajooyin been ah iyo fursado shaqo oo aan jirin, balse taa badalkeeda lagu qasbo guur aysan raali ka aheyn iyo in qaarkood loo heysto oo kaliya adoonsi Galmo.

Si gaar ah waxaa ay warbixintu arintan ugu eedeysay Ururka Al-shabaab oo haweenka ka soo qafaasha deegaannadooda iyaga oo u sameynaya balanqaadyo iyo in ay shaqo siinayaan.

Warbixintan oo ay soo saartay hay'adda Qarramada Midoobey u qaabilsan Maandooriyaha iyo Danbiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNODC ayaa lagu sheegay in sanadkii 2017 haween badan oo ka yimid dhinaca gobolka Xeebta loo qaaday gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ay maamulaan Ururka Al-shabaab.

Warbixinta ayaa ku eedeysan Al-shabaab ka ganacsiga haweenka si loogu isticmaalo adoonsiga Galmada ama Guurka qasabka ah iyo in ay carruurta u adeegsadaan dagaallada iyaga oo ka soo xadaya walidiintooda.

Ahlu Sunna Waljameeca Dowladda Federaalka iyo Jabhadaha kale ee hubeysan ayaa la sheegay in iyaguna u adeegsadaan dagaallada Carruur aan qaangaarin inkastoo tiro ahaan ay ka yar yihiin kuwo ay isticmaalaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]