4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2019
ISIS oo ku dhawaaqday hoggaamiye cusub oo badalaya Abuubakar Al-Baqdaadi

 

Jimco, November, 01, 2019 (HOL)-Kooxda Khilaafada Islaamiga ah ee Daacisha ayaa ku dhawaaqday hogggaamiye cusub iyaga oo dhanka kalana xaqiijiyay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abuubakar Al-Baqadaadi oo ay dileen Mareykanka.

War laga baahiyay warbaahinta ay leeyihiin kooxdan ISIS ayaa lagu sheegay in Ninka lagu magacaabo Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qorashi uu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee Daacish, iyaga oo dhanka kale Mareykanka uga digay in uusan ku farxin dilka Al-Baqdaadi.

Hoggaamiyahan ayaa lagu doortay kulan Golaha Wadatashiga Dowladda Islaamiga ah kaddib kulan ay ka yeesheen geerida Al-Baqdaadi.

Goluhu ma aysan sheegin faah faahin intaa ka badan hasse ahaatee waxaa ay cadeeyeen oo kaliya in hoggaamiyahoodii hore lagu dilay duqeyn Mareykanka.

Magacaabista hoggaamiyahan cusub ayaa muujineysa in wali kooxdu sii wadi doonto dhaqdhaqaaqyadeedi wax ay ugu yeereen Jihaadka, halka dowladda Mareykanku sheegtay in dilka Al-Baqdaadi uu dhabar jab ku yahay sii jirintaanka kooxdan oo uu ahaa Aasasihii bilaabay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]