4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka oo difaacay heshiiskii ay horay ula galeen Ahlu Sunna

 

Jimco, November, 01, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa difaacay heshiiskii ay horay ula galeen Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib khilaaf cusub oo mar kale oo soo dhax-galay labada dhinac.

Wasiir Sabriye ayaa hadalka xalay ka sheegay degmada Dhuusa-Mareeb isaga oo yiri'' Ahlu Sunna waxey wuxuu ahaa gorgortenkeedii hore in xildhibaannada Galmudug 50% la siiyo, is jiid jiid dheer kaddib waxey ku adkeysteen 35 % oo haddii aan la siin ay sheegeen in albaabadu xiran yihiin, sababta ay sidaa u sameynayaanna waxey aheyd oo ay ku badalanayeen in Dhuusa-Mareeb leysugu yimaado oo shirka lagu qabto'' ayuu yiri Wasiir Sabriye oo hadalkiisu u muuqday in dowladd wali ku taagan tahay heshiiskii hore loo gaaray.

Waxaa uu ku eedeeyey hoggaanka Ahlu Sunna inay is hortaag ku sameynayaan  hanaanka soo xulista xildhibaannada cusub ee maamulka Galmudug oo looga  fahdiyo Odayaasha Dhaqanka.

Hadalka Wasiir Sabriye ayaa imanaya xili degmada Dhuusa-Mareeb ay ku wada sugan yihiin lagu guddi doorasho oo iska soo horjeeda oo mid ah soo magacaawday dowladda Soomaaliya halka kan kalana uu magacaabay madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Ahlu Sunna ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday qoddobadii horeay loogu heshiiyay oo marka aad eegto dhinac walba uu si gaar u fasirayo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]