4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2019
Kenya oo joojisey duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi

Khamiis, May, 09, 2019 (HOL)-  Dowladda Kenya ayaa soo saartay wargelin la xiriirta in wixii maanta ka dambeeya diyaaradaha ka baxaya caasimadda Muqdisho ee u socda Kenya ay sii mari doonaan garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Wajeer,sida laga xigtay waaxda duulista hawada Kenya ee KCAA.

Duulimaadyada Soomaaliya ayuu go'aankan ku qasbaya inay sii maraan Wajeer, halkii ay horay si toos ah u tagi jireen magaalada Nairobi, iyadoo dowladda Kenya go'aankan u sababaysay inay la xiriirto arrimo amni.

Dowladda Soomaaliya ayaa caro ka muujisay markii sidan oo kale Kenya ay dib usoo celisay qadkii Wajeer, halkaa oo  inta badan ay cabasho ka muujiyaan muwaadiniinta Soomaalida, isla waqtiga dowladda waxay qaaday tallaabo ay ku mamnuucayso diyaaradaha Qaadka keena, taaso dhib ku ah Kenya oo dhaqaalo badan ka sameysa Qaadka loo iibgeeyo Soomaaliya.

Heshiis ay mar kale labada dal  gaareen ayaa dib loogu billaabay duulimaadyada toos ahaa ee Nairobi iyo Muqdisho, balse waxaan la ogeyn tallaabada ay hadda qaadi karto dowladda Soomaaliya oo aan wali wax war ah ka soo saarin go'aankan cusub.
 
Go'aaankan ay soo saartay Waaxada Duulista Hawada ee dalka Kenya ayaa wuxuu ku eg-yahay bisha Augusto 9keeda ee sannadkan 2019

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]