4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2019
Qof ku dhintay shil gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 09, 2019 (HOL)- Hal qof ayaa ku dhintay shil gaari oo makhribnimadii caawa ka dhacay isgoyska Taleex  degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay saraakiisha .

"Shilkan wuxuu ka dhashay gaari ka soo baxay waddada  nin ayaana ku dhintay oo ka soo baxay jaamacadda City". ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay Hiiraan Online oo inta ku daray " Ninka gaariga wadday ciidanka ayaa xiray, wuxuu sheegay inuu miyir daboolmey oo uu koontarooli waayay gaariga, xannuunkana uu mararka qaar ku soo kaco".

Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta uu shilka ka dhacay,iyagoo halkaa ka qaaday meydka qofka shilka gaari ku geeryooday .

Alle ha u naxariisto marxuunka ku geeryooday shilka ayaa la sheegay inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo heerarkii u dambeeyay ee waxbarashada jaamacadda ku jiray, waxaana magaciisa lagu sheegay Cismaan Cabdullaahi Yaasiin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]