4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2019
Madaxweyne Xaaf oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maryan Cali Abtidoon oo maanta ku geeryootay magaalada Muqdisho.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan DG Galmudug waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Galmudug, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Xildhibaanad Maryan Cali Abtidoon"

" Xildh. Maryan Cali "Minashiibiyo" waxay ahayd ruux Bulshadu kusoo hirato oo ku caan-baxday aftahanimo, karti, hufnaan iyo daacadnimo. Waxa ay qayb wakhtigeeda kamid ah ku bixisay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyadoo kasoo shaqeysay Wasaaradda Maaliyada iyo Dekeda Muqdisho ka hor inta aysan kamid noqon Golaha Baarlamaanka Galmudug . Sidoo kale, Marxuumadu waxa ay kaalin muuqata ku laheyd dib u yagleelidii Maamulka Galmudug... Waxaan Alle uga rajeynayaa Jannatul Firdowsa, ehelkii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxdayna samir Jamiil ah iyo iimaan sugan.Innaa Lilaahi Wa Innaa ileyhi Raajicuun." ayuu yiri madaxweynah Galmudug.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon waxay kamid aheyd Xilibaannadii ugu horreeyay ee lagu aasaasay Golaha Baarlamaanka Galmudug waxayna kamid aheyd Gabahaha ugu firfircoon ee kamid ah Baarlamaanka dowlad-gobolleedyada Galmudug.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]