Wasiir Beyle : Shirka ugu danbeeya ee Deyn cafinta waxaa la qabanayaa sanadkan 2020ka
Khamiis, May, 09, 2019 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka
Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qabtay shirka Bilaha ayaa faahfaahin
ka bixiyay wada hadaladii ugu dambeeyay ee deyn cafinta Soomaaliya oo ay la
galeen Wadamadda iyo hey’adaha Soomaaliya lacagta ku leh.
Wasiir Beyle waxa uu sheegay in shirarkii ka dhacay Mareykanka Dowladda
Soomaaliya muhiimad gaar ah la siiyay, si ay u soo bandhigto marxalada dhaqaale
dalka, dalabka deyn cafinta, iyada oo ay fadhiyeen hey’adaha iyo Wadamada
deymaha ku leh Soomaaliya.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkii xigay ee wadahadalka
deyn cafinta oo ka dhacay Addis ababa, iyadoo la isla meel dhigay dhameystirka
Wajiga seddexaad ee wada hadalka deny cafinta iyo waqtiyenta shirka kama
dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya oo dhacaya horraanta sanadka
soo aadan ee 2020-ka.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuc ay
taageeraayan Midowga Yurub iyo Banka aduunka oo lagu horumariyo is-dhaxgalka
dhaqaalaha Waddamada Geeska Afrika iyo kulama ay wada qaateen Wasiirada
dhigiisa ah ee gobolka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid
faai’da badan u leh Gobolka, dalwaliba uga faa’iidaysanayo halku wax soo
saarkiisu ku wanaagsan yahay.
Wasiir Beyle ayaa gabagaba sheegay in laga maarmaan tahay in labada gole ee
Barlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan shuruucda dhinaca Maaliyadda ah ee
Golaha Wasiiradu soo gudbiyeen ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor
sanadkaan ay Soomaaliya ka gudubto waxaana ka mid ah shuruucdaasi sharciga
maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo
kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]