4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2019
Shirkii dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo maalintii shannaad galay

Khamiis, May, 09, 2019 (HOL)- Shir wada-tashi ah oo uga socda magaalada Garoowe dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa galay maalintiisii shannaaf,iyadoo aysan wali kala caddeyn muddada uu shirku soconayo.

"Madaxda oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah ayaa ka tashanaya sidii looga midhadhalinlahaa wadaxaajoodka 5-tii maalmood ee u dambeeyey Puntland uga socdey." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay goor dhow baahisay madaxtooyadda Puntland oo inta ku daray " Shirkan wadatashiga ah ayaan la nooc ahayn kuwii hore ee ay yeelanjireen Madaxda Soomaaliyeed, xukuumadda cusub ee madaxweyne  Deni ayaa caddayn u ah wadiiqadda ay u jeexday shirkani muhiim ka ah."

Warar madax bannaan oo shirka laga helay ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha ay dooddo adag ka leeyihiin qodobbada shirka looga hadlayo oo ay ugu weynyihiin xal u helidda khilaadka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada gaar ahaanna khilaafka federaalka iyo Galmudug, waxaa intaas dheer xeerar ay ansixisay xukuumadda oo maamullada ay diiddeen, hannaanka doorashada iyo amniga.

Shirkan oo si weyn isha loogu hayo ayaa la filaya marka la soo gabagabeeyo in laga soo saaro warmurtiyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]