4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2019
Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay in 18 May lagu bedelo 26 June

 

Khamiis, May, 09, 2019 (HOL)- Xildhibaan Maxamed Axmed DHakool oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in 18 may ee Somaliland u dabaaldego ay ka mudan tahay 26 June oo ah maalintii calankii ugu horeeyey ee Soomaali yeelato laga taago dhul soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxa uu xusay in 18 May cid gaar ahi u dabaaldego balse aan loo dhamayn ee loo dhan yahay 26 june,1960 oo ah maalintii gumaystaha laga qaatay xoriyadda.

“ maalinta 18 may maaha maalin gobonimo ee waa maalin jabhadii SNM dareen ay iyadu leedahay ku cabirayso “ayuu yidhi xildhiaan Dhakool, waxaanu sheegay in dadka qaar u arkaan 18 May maalintii la qaxiyey ee magaalooyinka ka baxeen, taas oo loo sinayn dabaaldega maalintan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne usoo jeediey in la sameeyo saami qaybi loo dhan yahay oo dhamaan beelaha Somaliland si dheeli tiran loo qaybsanayo, isla markaana la yimaado qorshe Somaliland lagu wada yeelanayo.

Waxa kale oo uu eeda ka difaacay gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku dhaliilay qaabka uu u hogaamiyo golaha Wakiiladda.

“gudoomiyaha golaha Wakiiladu Cay ma istaahilo, gobonimada Soomaalidu in la is caayo kuma jirto, Faysal waxa uu nagu yidhaahda isxambaar, dee kuraastayada ayaanu isku soo xambaareen mid uu isagu leeyahay iskuma soo xambaarin , hadii imika doorasho dhici waydana kuraastayada ayaanu isku soo baxaynaa oo isku soo xambaaraynaa, waxaanu leenahay Faysal ha iska daayo erayga ah isxambaar ee uu mar walba lagu eedeeyo hadii kale cilado kale ayey keenaysa”ayuu yidhi Dhakool.

Erayga ah isxambaar ayaa ah dadka aan doorasho toos ah usoo galin xildhibaanadda ee codadkooda loo qiimayo maadaama oo deegaankoodda aanay doorasho ka dhici Karin, sidaas darteed, gudoomiyaha golaha Wakiilada hadda ayaa sidaas ku soo baxay oo wakhtigaasi 2005-kii doorashada golaha Wakiiladda aanu xildhbanada Sool doorasho toos ah ku soo bixin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.