Khamiis, May, 09, 2019 (HOL)-Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dadaalladii ay kula wareegaysay haraaga askartii laga laayay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, iyadoo bartanka lagaga jiro xilli uu go'ay xiriirkii uu dalku la laahaa Kuuriyada Waqooyi.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadkii hore wareejisay haraaga maydadka
konton askari oo Maraykan ah oo la dilay intii u dhaxaysay 1950-1953
markaas oo dagaal socday.
Arrintaas ayaa muujinaysay in uu soo
hagaagayo calaaqaadka u dhaxeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Balse Wasaaradda
Gaashaan dhigga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay hakisay
qorshahaas ka dib markii ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen shirkii
labada hoggaamiye ay yeesheen.
Askar lagu qiyaasay 36,000 oo ciidammada Maraykanka ka tirsan ayaa ku
geeriyooday dagaalkii Kuuriya, Maraykankuna wuxuu sheegay in aan wali
meelna lagu ogayn in kabadan 7,700 askri.
Ku dhawaad 5,300 oo askartaas ka mid ah ayaa lagu waayay gudaha Kuuriyada Waqooyi.
Dadaalka
labo geesoodka ah ee dib loogu soo celiyo haraaga maydadkii askarta
Maraykanka ayaa qayb ka ahaa fulinta heshiisyadii ay gaareen Trump iyo
Kim kulankoodii u horreeyay ee Singapore ka dhacay 2018.
Balse
xiriirkii ayaa hakaday ka wixii ka dambeeyay kulankoodii labaad ee
Vietnam ay ku yeesheen sannadkan, kaas masuuliyiintan ay ku
guuldarraysteen in ay wax horusocod ah ka gaaraan wadahadalkii
barnaamijka nukliyeerka ah ee Pyongyang.
Chuck Prichard oo u
hadlay Defense POW/MIA Accounting Agency ayaa sheegay Arbacadii in
masuuliyiinta Kuuriyada Waqooyi aysan wax xiriir ah la soo samayn tan
iyo wixii ka dambeeyay shirkii bishii Feebaraay dhacay.
Xigasho BBC