4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2019
Caasimada Minnesota ee St Paul iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo la Mataaneeyey.
Arbaco, May, 08, 2019 (HOL) Waxaa maanta golaha dageenka ee magaaladda St Paul ay cod guud ku ogolaadeen in la mataaneeyo magaalooyinka St Paul iyo Muqdisho, kulankaan ansaxinta oo ka dhacay xarunta golaha ee magaaladaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.
Sh Xasan Jaamici, Farxiya Khalif iyo Maxamaed Cali oo ka mid ahaa gudigii hawshaan ka soo shaqeeyey ayaa u mahadceliyey golaha deegaanka ee caasimada Minnesota ee St Paul waxayna dhamaantood sheegeen in ay u tahay maalin taariikhi u ah iyaga.
Duqa magaaladda St Paul Melvin Carter ayaa dibada xafiiskiisa ugu soo baxay Soomaalidii damaashaadaysay waxuuna ugu hanbalyeey maalintaan taariikhiga ah ,waxuu Mayor Melvin Carter casumaad u fidiyey duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow oo ku yiri noo kaalay oo nasoo booqo .
Xubanahii Jaaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ee ka soo qaybagalay ayaa dhamantood waxay haysteen calamada Maraykanaka iyo  Soomaaliya .
Qaasim busuri oo ka mida xubnaha goloha deegaanka ee St Paul ayaa yiri tan waxay baal cusub u furaysaa in labada magaalo ay is dhaafsadaan macluumaad tababaro iyo horemar xaga dhaqanka uu ka mid yahay.
 
siyad@hiiraan
Hiiraan Online
Minnesota