4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2019
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo maanta Xilka la wareegay


Arbaco, May, 08, 2019 (HOL)-  Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya , Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirki hore Daahir Maxamuud Geelle.

Xilwareejinta ayaa  waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxda kale ee Wasaaradda.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) isagoo sheegay in Warfaafintu heyso Shaqo badan oo aad muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wado meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa".  ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu halkaas kasii wedi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.

"Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geele oo aan maanta shaqadda kala wareegayo waxaana balan-qaadaa in Howsha aan meesheedii kasii wado aniga oo latashanaya asiga iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda”.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Wasiirkii hore ku boggaadiyey shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]