4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2019
Madaxweynaha Iiraan oo ku dhawaaqay in dalkiisa uu hakin doono heshiiskii Nukliyeerka

Arbaco, May, 08, 2019 (HOL)- Dowladda Iraan ayaa markii u horreysay tallaabo qaaday, tan iyo markii Marekanka uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka,kaddib markii uu madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruhani ku dhawaaqay in dalkiisa uu hakin doono u hoggaansanaanta mamnuucista kaydinta macdanta Uranium-ka iyo biyaha culus.

Heshiiskii caalamiga ahaa ee sannadkii 2015kii la gaaray ayay qayb ka ahayd in Iiraan ay hakiso barnaamijkeeda horumarinta Nukliyeerka.Heshiiskan oo Iiraan ay la gashay Britain, China, France, Russia, Mareykanka iyo Jarmalka, ayaa Iiraan ay ku ogolaatay inaysan keydsan wax ka badan 300 oo kilogram oo ah macdanta uranium-ka ee la cusleeyey ah.

Iiraan ayaa sidoo kale ogolaatay inaysan keydasan biyaha culus ee loo adeegsado warshadaha nukliyeerka, waxaa intaas dheer in Iiraan ay ogolaanshahan ku beddelatay in laga qafiifiyo cunaqabateynta dhaqaale, hase yeeshee Mareykanka ayaa dib usoo rogay cunaqabateyntaas, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu heshiiska ka baxay.

Rouhani ayaa sheegay in dalalka kale ee qeybta ka ah heshiiska aysan kasoo bixin ballan-qaadyadooda islamarkaana ogolaadeen in xayiraadda Mareykanka ay saameyso saliidda Iran dhoofiso iyo bankiyadeeda.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Iiraan Xasan Ruhani  ayaa dalalkan u qabtay 60 maalmood inay is-beddelo ku sameeyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]