4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2019
Weerar askar lagu laayay oo ka dhacay Pakistan

Arbaco, May, 08, 2019 (HOL) –  Ugu yaraan siddeed qof ayaa la dilay, in kabadan 24 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay bannaanka hore ee dhismo caan ah oo ku yaalla bariga magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Qaraxa ayaa lala eegtay gawaari ay leeyihiin ciidanka booliska oo hor yaallay afaafka hore ee dhismaha Data Darbar shrine.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay siddeeda qof ee qaraxa ku geeryootay shan ka mid ah inay ahaayeen ciidan boolis ah, waxaana socda baaritaan la xiriira qaraxa.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyiinta weerarka.

Halka uu qaraxan ka dhacay ayaa sannadkii 2010kii waxaa ku geeryooday ku dhawaad 40 qof, markii uu halka weerar ka dhacay.

Wuxuu hadda ku soo aaddaya qaraxan,iyadoo muslimiinta Pakistan ay ku jiraan billowga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]