4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2019
Galmudug oo ku gacan-sayrtay guddiga arrimaha Xajka

Arbaco, May, 08, 2019 (HOL) –  Galmudug ayaa ka hortimid guddiga arrimaha xajka oo ay wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee dowladda federaalka magacowday,iyadoo maamulka uu ku tilmaamay guddiga mid ku yimid hannaan 'kalitalisnimo'.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee dowlad-gobolleedka Galmudug,Cabdishakuur Al -Badri oo warbaahinta kula hadlay magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in guddiga lakala diro, isagoo marka ugu baaqay shirkadaha loo tartansiinayo inay xujeyda qaadan inaysan qeyb ka noqon, maaddama ayuu yiri aan loo dhammeyn.

Wasiir Al-Badri ayaa sidoo kale wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee dowladda federaalka ka codsaday inay Galmudug u madax banneyso qoondada ay ku leedahay Xajka,iyadoo la qorsheynayo 1,500 oo xujey ah inay sannadkan ka baxaan Soomaaliya oo ay qeyb ku leeyihiin dowlad-gobolleedyada.

"Soomaaliya uma baana anaa yiri, waxaana muuqata in guddiga uu ku yimid hannaan kali talisnimo, waxaan u baahanahay in aan ku tusaalo qaadano wixi horey u dhacay". ayuu yiri Al-Badri.

Wuxuu ku soo aadday hadalkan xilli Puntland ay ka hortimid guddiga oo ay sheegtay inan loo dhammeyn, waxaana arrintan mar kale ay muujisay wal wal ku aaddan in sannadkii labaad oo isku xiga uu dib u dhac soo wajaho xujeyda Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]