Arbaco, May, 08, 2019 (HOL)-Sida ay laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee AP, madaxda ciidanka booliiska gobolka Colorado ee dalka Maryakanka ayaa sheegay in labo qofi ay ku dhaawacantay weerar toogasho ah oo ka dhacay dugsi ku yaalla magaalada Highlands Ranch.
Xafiiska Sheriffka ee degmada Douglas oo ay magaaladani ka tirsan
tahay ayaa sheegay in askartu ay baadi goob ugu jirto qofkii ama dadkii
wax toogtay, iyaga oo xaaladda ku sheegay mid wali khatarteedu jirto.
Toogashada ayaa ka dhacday dugsiga sare ee lagu magacaabo STEM, kaas
oo ay dhigtaan tiro ka badan 1,850 arday, kuwaas oo ka kooban xadaanad
iyo fasalada dugsiga sare.
Xafiiska Shariffka ayaa sheegay askartu ay gurmadeen iskuula saacadda
markay ahayd 1:50 duhurkii, kaas oo 24km koonfur kaga beegan magaalada
Denver.
Baabuurta dam-damiska, baabuurta gurmadka degdegga ah iyo baabuurta
ciidanka booliiska ayaa goobta lagu arkayey. Waxaa kale oo la arkayey
helicopterada gargaarka caafimaadka loogu talo galay oo ku soo degaya
garoomada cagaaran ee iskuulka.
Shariffka ayaa waalidiinta ku jiheynayey xarun caruurta lagu hayey, si u qaataan.
VOA