4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2019
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale ka hadlaya Sharciga Batroolka

Arbaco, May, 08, 2019 (HOL) –  Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta kulmaya ayaa mar kale waxaa hor-yaalla Ajandaha Sharciga Batroolka.

Golaha ayaa akhrin labaad marinaya hindise Sharciyeedka Badroolka, sida laga soo xigtay xogheynta Baarlamaanka oo xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka.

Hindise Sharciyeedka Badroolka ayaa isha lagu haya, xilli dadaal badan ay ku bixinayso sidii sharcigan loo meel marin lahaa xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre.

Hakad ayaa ku yimid ajandaha Sharciga Batroolka maalintii Isniinta ee toddobaadkan ,kaddib markii uu buuxsami waayay kooramka golaha shacabka, taaso keentay in dib loo dhigo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa digniin u diray xildhibaannada inta badan ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, waxaana guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Muudey uu 143 xildhibaan ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]