4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2019
Dowlad-gobolleedyada Soomaaliya oo yeelanaya iskaashi amni
Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland oo warbaahinta u akhriyay qodobbada shirka ka sooo baxay
Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland oo warbaahinta u akhriyay qodobbada shirka ka sooo baxay

Arbaco, May, 08, 2019 (HOL) – Wasaaradaha amniga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya oo ku shiray magaalada Garoowe ayaa gaaray heshiis iskaashi dhinaca amniga ah,sida lagu sheegay war ka soo baxay shirka.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga ee Puntland ayaa diirrada lagu saaray sidii la isugu xiri lahaa wasaaradaha amniga iyo dowladda federaalka, waxaana markii la soo gabagabeeyay laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen;

1- Cid kasta oo dhib ku heysa umadda Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto.

2- In dambiilayaasha ukala gudbaya maamullada la isku celiyo

3- In tahriibayaasha si wadajir ah wax looga qabto oo laga hor istaago dadka u badan dhallinyarada ee ku dhammaanaya badda.

4- In saddexdii biloodba mar la isugu yimaaddo shir looga hadlayo amniga ,iyadoo shirka si wareegto ah loogu qabanayo xarumaha dowlad-gobolleedyada.

Wasiirrada amniga ee kulmay ayaa Garoowe uga qeybgalaya shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, kaasi oo lagu waddo in marka uu soo dhammaado laga soo saaro war-murtiyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]