4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Liverpool oo si cajiib ah ugu soo baxday kama dambeysta tartanka Champions League markii guul darro aan la maleysan karin ay garsiisay Barcelona


Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa caawa taariikh cajiib ah ku samaysay Anfield, kaddib markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxdii 3-0 ku soo garaacday ee Barcelona -waxayna Liverpool si aan la rumaysan karin ugu soo baxday kama dambeysta tartanka UEFA Champions league.

Kulan ciyaareedkan wuxuu ahaa mid si weyn isha loogu hayay, balse natiijada ka soo baxday tiro yar oo taageerrayaasha kubadda cagta ah ayay maankoodda ku jirtay,laakin kooxda Ingiriiska ka dhisan waxay muujisay waayo- aragnimada ay tartankan oo shan mar ay ku guuleysatay u leedahay.

Divock Origi iyo weeraryahanka Gini Wijnaldum oo min laba gool dhaliyay ayaa u horseeday kooxda Liverpool guushan soo laabashadda taariikhiga ah,waxayna noqonaysa taariikh kale oo loo diiwaangalinayo Reds , waxa ay caawa ka sameysay garoonka kubadda cagta ee Anfield.

Kulan ciyaareedka qeybtiisa koowaad ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Liverpool. Reds ayaa ku billaabatay dar dar xooggan iyaga oona la yimid goolka koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 7 aad ,waxaana u dhaliyey xiddiga lagu magacaabo Divock Origi  kaddib markii uu ka faa’ideystay kubad uu iska soo saaray gool haye Stegen.

Kooxda Barcelona ayaa abuurtay saddex fursad oo gool loo filan karay qeybtii koowaad ee ciyaarta, balse uma suurta galin in fursadahaan ay ka faa’ideystaan, iyadoo natiijadda qeybta koowaad ay ku dhammaatay 1-0 oo ay kulanka hoggaaminaysay kooxda Liverpool.

Markii dib la isagu soo laabtay kooxda Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah ,kaddib markii ay la yimaadeen labo gool oo deg deg.Xiddiga Georginio Wijnaldum oo badal ku soo galay ciyaarta qeybtii dambe ayaa soo gaba gabeeyey kalsooni Barcelona ay ka lahayd ciyaarta kaddib markii u dhaliyey labo gool wadna qabad ku noqday taageerrayaasha kooxda Barcelona.

Goolasha labadda ah ee uu dhaliyey xiddiga reer Holland ee Wijnaldum ayaa yimid daqiiqadihii 54-aad iyo 56-aad waxaana mar qura is baddelay jawiga garoonka Anfield waxaa billaabmay sawaxan mahrajaan wata.Ciyaartoyda Barcelona waxaa la soo gudboonaaday jahwareer iyo layaab kaddib markii laga bareejeeyey saddexdii gool ee ay garoonkooda ku soo dhaliyeen lugtii hore.

Barcelona saameyn kuma lahayn kulanka qeybta dambe sidaas oo ay tahayna markale waxaa yimid daqiiqadii 79 aad goolkii afaraad ee kooxda Liverpool waxaana mar kale shabaqa gaaray Devid Origi kaddib caawin uu ka helay Alexander-Arnold oo caawiyey goolkiisi labaad.

Barcelona ayaan waxba ka baran ceebtii xilli ciyaareedkii hore ka soo gaadhay AS Roma waxayna markale Champions League kaga hadhay si murugo badan oo ayna abid ilaawi doonin,iyadoo Reds ay guushan gaartay xilli ay ka maqnaayeen Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Naby Kieta kuwaas oo markii hore la filayay in ay u jabayso.

Ugu dambeyntii, kulan ciyaareedka ayaa ku soo idlaaday 4-0 oo ay ku adkaatay kooxda Liverpool oo ka soo laabatay saddex gool oo laga soo dhaliyey kulankii lugta hore balse wadarta goolasha ee labada kulan waa 4-3, waxaana Liverpool sannadkii labaad oo xiriir ah ay iska xaadirisay kama dambeysta (finalka) tartanka  Champions League.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]