4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Puntland oo ka hortimid guddi ay dowladda federaalka u magacowday inay kala saaraan shirkadaha u tartaami doona fulinta Adeegga xajka

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland,Cawil Sheekh Xamid Maxamed ayaa sheegay inaysan ku raaci doonin dowladda federaalka guddiga loo magacaabay kala sarista shirkadaha u tartaami doona fulinta adeegga xajka ee sannadka 2019ka.

Guddiga waxaa magacaabay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Puntland ay sheegtay inan lagala tashan magacaabiista guddiga.

" Dhowr jeer oo hore qaylo dhaan waan sameynay, waxaan ka codsanay oo aan u gudbinay Federaalka, qondaddii Puntland ay lahayd kow iyo tobanka kun iyo shanta boqol ee loogu tala-galay inay sannadkan ka xajiyaan Soomaaliya in qaybtii Puntland ay lahayd soo siiyaan, arrimahaa dadaal hore oo xoog badan ayaa socday in badan waan iska afgaranay,iyadoo xaaladda ay halkaas marayso oo aan dareemaynay inuu lugjiid badan jiray ayaa waxaa soo baxday wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay guddi magacowday, arrinta waan ka soo horjeednaa raallina kama nihin, arrin nagala tashaday ma ahayn". ayuu yiri wasiir Cawil Sheekh Xamid .

"Wali waxaanu taaganahay mowqifkeenni ahaa haddii aan nahay Puntland qondadeenna annaga ayaa maamullanayna, annaga ayaa rabnaa , si dadka reer Puntland ee halkan ka baxeysa u helno tiradoodda.. waxaan baaq gaar ah u diraya markan wasiirka Diinta iyo Awqaafta inuu ka soo baxo ballantii uu qaaday, haddii ay taas dhaci wayso waxaan u arkeynaa isdaba marin inay jirto". ayuu ku daray.

Habka loo maareynayo xujayda ka baxaysa Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ay dooddo ka tagnaayeen, iyadoo Puntland sidan oo kale sannadkii hore ay uga hortimid sida ay dowladda federaalka u maareynayso tirada xujayda ee ka baxaysa dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]