4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Sidee ku baaqday kulankii madaxweyne Farmaajo iyo dadweynaha ee Garoowe?

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Xarun fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ee Center For Policy Alternatives ayaa Isniintii baahisay inay diyaarinayso kulan dadweyne oo madaxweyne Farmaajo uu kula hadlayo dadweynaha,iyadoo ciwaan looga dhigay 'Hannaanka doorasho ee dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah'.

Balse kulanka ma qabsoomin xalay ,waxaana warbaahinta gudaha qaarkeed ay markaa baahisay in Puntland baajisay kulanka oo lagu wargeliyay xarunta inan wax kulan ah la qaban karin illaa uu dhammaado shirka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada uga socda Garoowe.

Mar dambe ayaa xarunta horay u sheegtay inay diyaarinayso kulanka waxaa ay war ka soo saartay arrinta doodda dhalisay ee la xiriirta sida uu kulanka ku baaqday.

"Munaasabaddii aan rabney in madaxweyne Farmaajo kula hadlo dadweynaha ee aan wadney qabanqaabadeeda waxay ku baaqatey in waqtiga uu cariiri noqdey maaddama isla xaley shirar ka muhiimsan ay u socdaan madaxda dowlada Federaalka ee Soomaaliya, madaxda maamul-goballeedyada iyo gobalka Banadir , taas ayaa keentey in dib aan u dhigno kulankii xaley balse ma jirto cid kale naga joojisey kulankaas". ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Facebook ee xarunta CPA.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya,Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhankiisa arrinta ka hadlay, wuxuu yiri "Ma jirin wax kulan dadweyne oo qorsheysnaa. Shirkii ayaaba waqtiyadiisa isku dhawaayeen, walina socdaan".

Dhinaca kale, mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha amniga iyo maamulka degmada Garoowe oo ay Hiiraan Online la xiriirtay, waxaa ay sheegeen inaysan waxba kala socon kulanka oo aysan jirin wax kulan ah oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayay dadweynaha oo ay baajiyeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]