4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
143 xildhibaan oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in ay ku talagal uga maqnaadaan kulamada Baarlamaanka

 

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Iyadoo dhowr jeer oo hore kooram la’aan uu u baaqday fadhi ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayuu ugu danbeyntii guddoonka Baarlamaanku sheegay in ay jiraan xildhibaanno si ku talagal ah uga maqnaada fadhiyada baarlamaanka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta kulan yeesheen kaddib warbaahinta u sheegay in 143 xildhibaan oo ku sugan magaalada Muqdisho si ku talagal ah uga maqnaadaan kulamada Golaha Shacabka iyaga oo ku eedeeyay xildhibaannadaa xil gudasho la’aan.

Guddoonka ayaa sheegay in meel ay ku qoran tahay jirin in xildhibaan uu ka maqnaado kulamada Golaha Shacabka cudur daar la’aan, waxaana uu intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya xildhibaannadaa la marin doono waxa uu ka qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/llaahi Nuux ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqan fadhiyada guud ee Baarlamaanka yihiin kooram buuxa oo dhan 143 Xildhibaan, madaama sida uu hadalka u dhigay fadhiga uu ku furmo 139 Xildhibaan.

Waa markii ugu horeysay oo guddoonka Golaha Shacabka uu ku dhawaaqo tirada xildhibaannada ka maqan Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin kulamada iyo fadhiyada uu goluhu yeesho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]