4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Somaliland:Laba gaadhi oo isku dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Talaado, May 07,   2019  (HOL)- Illaa Todoba qof ayaa geeriyooday, afar qofna waa dhaawac ka dib markii laba gaadhi isku dhaceen inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil.

Labadan gaadhi ayaa kala ahaa Bus rakaab siday iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo ayqaan Candho Maydle, kuwaas oo si xun iskugu dhacay.

Madaxweyne Biixi ayaa tacsi u direy dadkii geeriyooday shilkan,isla markaana ilaahay u baryey inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacmay, waxaanu shirkadaha leh gaadiidka u kala goosha gobolada ku amray inay raacaan shuruucda gaadiid marista, isla markaana ilaaliyaan masuuliyada dadka ay qaadayaan.

Sidoo kale, waxa uu wasarada Gaadiidka, ciidamada ilaalinta waddo marista ku amrey inay talaabo ka qaadaan dadka aan u hogaansamin shuruucda wadista baabuurta.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dhammaan Marxuumiinta ku geeriyooday shil baabuur oo sababay dhimashada todoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil “ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ku adkaynayaa mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka ee gobolada isaga goosha, iyo wadayaasha gaadiidku inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka iyo waddo-marista muujiyaana masuuliyada nafaha muwaadiniinta ay qaadan iyo ilaalinta maalka gaadiidka.

Madaxweynuhu wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadinta Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, taliyaha ciidanka Booliska iyo laanta nabad-gelyada wadooyinka inay fuliyaan awaamiirta iyo sharciga gaadiidka iyo wadidooda, isla markaana waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo baalmarsan shuruucda wadida gaadiidka iyo masuuliyada saaran.

Somaliland waxa ku soo noqnoqda shilalka gaadiidka, taas oo galaafta dad iyo duunyo badan, illaa hadana xal looma helin waxyaalaha dhaliya shilalkan.

 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.