4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Myanmar oo sii deysay labo saxafi oo muddo xirnaa

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Labo saxafi oo ka howlgalayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Myanmar oo ay ku xirnaayeen in ka badan 500 maalmood.

Labada weriye oo lagu magacaabo Wa Lone, 33 jir ah iyo Kyaw Soe oo 29 jir ah ,waxay ku xukunaayeen xabsi min toddobo sanno ah, kaddib markii lagu helay inay jebiyeen sharciga sirta dowladda.

Ka hor inta aan Suxufiyiintaasi la xirin bishii December ee sannadkii 2017-kii, waxay ku hawlanaayeen baaritaanka dilkii 10 nin oo ka tirsan Muslimiinta Rohingya oo ay ciidanka dowladda Mayanmaar ku dileen gobalka Rakhiine ee galbeedka dalkaasi bishii August ee sannadkii 2017-kii.

Suxufiyiinta maanta la  sii daayey waxay ka mid yihiin 6,520 maxaabiis oo uu madaxweynaha dalkaasi, Win Myint Wiki u fidiyey cafis guud oo lagu maamusayey dhalashadda sannad-dhaqameedka dalkaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]