4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2019
Gaas dabiici ah oo laga helay dhulka Soomaali galbeed

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Shirkadda NewAGE ee dalka Ingiriiska ayaa 1.6 tarilyan oo gaas dibiici ah ka heshay deegaanka Ceel Quraan, sida laga soo xigtay wargeyska madax bannaan ee The Reporter oo Itoobiya ka soo baxa.

Shirkaddan ayaa shidaalka ka soo saartay meel u dhow halkii ay shirkadda dalka Shiinaha laga leeyahay ee Chinse Poly GCL ay gaas soo saarista ka billowday sannad ka hor,iyadoo ay NewAge ay haatan baaritaan ka waddo dhowr baloog oo ku yaalla dhulka Soomaali galbeed ee ay Itoobiya maamusho.

Wargeyska ayaa soo xiganaya Guang Tutlam, wasiiru dowladaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka  oo yiri "Waxaannu haatan ka shaqaynaynaa sidii aannu u suuq gayn lahayn gaaska".

The Reporter ayaa inta ku daraya in shirkad Mareynkan ah oo la yiraahdo Greencom ay wasaaradda shidaalka u bandhigtay hindise ah inay aaggaasi ka dhisto warshad gaaska lagu sifeeyo iyadoo doonaysa inay adeegsato tikmolojiyadda gaaska loogu rogayo dareere ama Gas-to-Liquid (GTL).

Kharashka guud ee lagu maalgelinayo ayaa ku dhow illaa 2 bilyan oo doollar, iyadoo ay hay'adda African Global Energy ay webkeeda rasmiga ah ku sheegtay inay socdaan qorshayaal looga arrinsanayo in  mashaariic heer hoose ah oo kala geddisan looga fulinayo deegaannada maxalliga ah .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]