4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Ciidammo dheeraad ah oo laga howlgaliyay Muqdisho

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Ciidan boolis ah ayaa laga howlgaliyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho,iyadoo saraakiisha laga soo xigtay ciidammadan dheeraadka ah inay sugayaan amniga muddada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ciidammada ayaa inta badan lagu arkayay xilliga afurka, isgoysyada Muqdisho,waxaa ay baarayeen gaadiidka iyo dadka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in guul laga gaaray howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Muqdisho.

"Runtii waan boggaadinayaa ciidammada amniga oo fuliyey howlgallo joogta ah,iyaga oo garab ka helayay shacabka Muqdisho,waxaana ay ka hortageen khasaaro ay geysan lahaayeen al-Shabaab,waxaana ugu baaqayaa shacabka inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga ." ayuu yiri duqa Muqdisho oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Hay'addaha amniga waxaa ay sheegayaan inay feejignaan dheeraad ah muujinayaan, si baa la yiri looga hortago weerarro ka yimaadda al-Shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]