4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
NISA oo soo bandhigtay saraakiil al-Shabaab ah

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa soo bandhigtay sawirrada labo sarkaal oo la sheegay inay ka soo goosteen ururka al-Shabaab.

Labada sarkaal ee la soo bandhigay ayaa la sheegay inay toddobaadyadii la soo dhaafay isku soo dhiibeen ciidammada dowladda,iyadoo war ay baahisay NISA lagu sheegay in 9 sarkaal ay toddobaadyadii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobolka Gedo.

Xubnaha ka tirsan al-Shabaab lama soo bandhigin magacyadooda , balse waxaa la sheegay inay al-Shabaab u qaabilsanaayeen Maktabka Dacwada (Propagan-dada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga.

Dowladda ayaa toddobaadyadii u dambeeyay  sheegtay in xubno ka tirsan al-Shabaab ay iska dhiibeen magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo xubnahaas diyaaraddo lagu keeno magaalada Muqdisho oo ay la wareegtay taliska NISA.

Ururka al-Shabaab kama aysan hadlin saraakiisha iyo xubnaha kale ee ay dowladda soo bandhigtay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]