4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Munaasabad isugu jirtay taageero iyo soo dhaweyn oo lagu qabtay magaalada Beledweyne


Talaado, May, 07, 2019 (HOL) –Munaasabada oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledweyne, Ururrada bulshada rayidka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu taageeray guddoomiyaha cusub ee Ururka dhalinyarrada dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye.

Ka qeyb-galayaasha munaasabada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay doorka Wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha Hirshabeelle Cabdiqani Jeenyo uu ka qaadanayo hormarinta dhalinyarrada labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Duqa degmada Beledweyne Khadar Xassan Afrax oo hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa uga mahad celiyay Wasiirka iyo Wasaarradiisa-ba ka shaqeynta is dhax-galka dhalinyarrada labada gobol, isaga oo intaa ku darray in ay soo dhaweynayaan magacaabista uu sameeyay Wasiirka ee guddoonka Ururka dhalinyarrada dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Qeybihii kala duwanaa ee bulshada ka qeybgashay munaasabada isugu jirtay taageerrada iyo calleemo saarka ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee Ururka dhalinyarrada dowlad gobolleedka Hirshabeelle hormar iyo in uu ka shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa madal ay dhalinyarradu uga wada hadli karaan mustaqbalka sidii qeyb uga noqon lahaayeen geedi socodka siyaasadda dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka dhalinyarrada maamul gobolleedka Hirshabeelle oo ka hadlay madasha ayaa u balanqaaday dhalinyarradii ka qeybgashay munaasabada in dhawaan la qabanayo doorashada guddoonka Ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan si dhaw-na u wada shaqeyn doonaan shaqsi kasta oo ku soo baxa doorashada.

“’Waan hubaa in ay halkan fadhiyaan dhalinyarro firfircoon oo is badal abuuri kara, waxaan rabaa in dhamaanteen aan ka wada shaqeyno hormarka guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle, madaama dhalinyarradu yihiin dhaf-dhabar u yihiin hormarka dal ku tallaabsado’’ ayuu yiri Raaxeeye.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada guddoomiyaha Ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo uu banneeynayo guddoomiyaha cusub dhalinyarrada dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]