4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, May, 07, 2019 (HOL) –Taliska Mareykanka ayaa faah faahinno dheeraad ah ka bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warka ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 5-tii bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab.

“Duqeynta dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab, islamarkaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayuu yiri Agaasimaha dhinaca Ammaanka u qaabilsan Afrikom Qaarada Afrika Maj. Gen. Gregg Olson.

Waxaa uu intaa ku darray in ay baarayaan in dad rayid ah wax ku noqdeen, isaga oo intaa ku darray in ay sii wadi doonaan howlgalada dhinac cirka ah ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana 26-kii Bishii la soo dhaafay ay Apriil uu duqeyn la beegsaday saldhigyo Daacish-ta Soomaaliya ay ku leedahay Buuraha Golis ee Gobolka Bari Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]