4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka degmada Balcad

 

Isniin, May, 06, 2019 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo galinkii danbe ee maanta ku dhaxmaray dulleedka degmada Baclad ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen deegaannada Yaaqle iyo Shanloow oo dhawaan gacan ku heyntooda la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinacyada uu dagaalku dhaxmaray ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyadoo xoogagga Al-shabaab baraha Internetka ku faafiyeen qoraal ay ku sheegayaan in ay dagaalka ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhinaca kale maamulka Hirshabeelle mas’uuliyiin u hadlay ayaa sheegay in dagaalka galabta dhacay ku dileen ugu yaraan 13 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Degmada Balcad iyo deegaannada hoostaga ayaa ka mid ah halka ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab guud ahaan marka la eego gobolka Shabeellaha dhexe.

Ma jirto cid madax –bannaan oo xaqiijineysa sheegashada labada dhinac, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu cuslaa ee waayadan ka dhaca gobolka Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]