4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
Shirkadaha diyaaradaha ee Xujeyda qaada oo tartan daah furan loo qabanayo

Isniin, May, 06, 2019 (HOL)-  Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa sheegtay in si daahfuran ay u tartansiineyso shirkdaha diyaaradaha ee qaada dadka Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan 2019 soo gudanaya Acmaasha Xajka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkaddo koobaan oo markii hore xujeyda geyn jiray Xajka, waqtiga oo ah xilliga kaliya ay faa’idada ugu badan helaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee diyaaradaha, kuwaasi oo 25­kii sanno ee dalka uu burburka ku jiray aanay jirin dowladda ama nidaam lagu maamulla.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta , ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in shirkadaha daneynaya iney ka faa’ideystaan fursadan ay soo gudbiyaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka bisha, taasoo ay ka baaraan dagi doonaan guddi ka kala socda Wasaarada, Culimada iyo Bulshada Rayidka.

Xubnaha Guddiga ee loo xil saaray kala saarida Shirkadaha ayaa kala ah;

Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo

Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo

Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo

Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka

Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka

Xajka ayaa kamid ah tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka, iyadoo uu EBBE ku waajib yeelay qofka Muslimka ah, gaara ahaan inta uu ALLE awood u siiyay inay tagaan Makka, oo soo xajiyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]