4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay deegaanadda gobolka Sanaag ee xaaladda degdeg ah lagu soo rogay

 

Isniin, May 06,  2019 (HOL)–Madaxweyne Biixi ayaa fariimo u kala direy guud ahaan shacabka Somaliland, deegaanadda xaaladda degdeg ah lagu soo rogay iyo warbaahinta Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa dadweynaha ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan oo wada jirka umadda ka shaqeeyaan, waxaanu ka hadlay xaaladda ka taagan deegaanadda Gar-adag, Ceel Afweyn iyo deegaanada hoos yimaado oo dhowaan lagu dilay laba sarkaal oo ciidanka ka tirsan, waxaanu yidhi “Waxan idin xasuusinayaa walaalayaal inay nabadgelyadu tahay tiir-dhexaadka aynnu ku dhisannahay, qof walibana uu halkiisa uga guntado. Saddexda degmo ee imika dhibaatadu ka jirto oo dad badani si qaldan uga bixiyeen in nabadgelyada la sugo, waxan leeyahay marka ay dhibaato dhacdo waxa waajib saaran yahay qaranka, xukuumadda iyo shacabkaba in nabadgelyada gacmaha oo dhan la isugu geeyo, ciidamada halkaas loo dirayna waxa qudha ee ay qabanayaan waa inay ilaaliyaan nafta iyo hantida ummadda Somaliland iyo amniga guud, dalkana inay wax u taraan mooyaane wax hadimo ah ma wadaan.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada ka hawlgalaya deegaankaasi ay ilaalinayaan xuquuqda iyo xoriyadda dadka shacabka ah, waxaanu tilmaamay shaqooyinka ay halkaasi ka qaban doonaan “ciidamadu waxa ay nabadgelyada sugayaan iyaga oo xorriyadda iyo xuquuqda qofka ilaalinaya, qofka dambiilaha ahna gacan adag ku dhigaya oo ka qabanaya ummadda inaanu fidnaynin, sidaas darteed shacabka waxan ka codsanayaa dhammaantii gaar ahaan degmooyinkaas inay si fiican ula hawlgalaan ciidamada qaranka ee ku hawllan sugidda amniga. Gobolladaas iyo degmooyinkaas dadka deggenna waxan leeyahay walaalayaal wax walba nabadda ka horraysee aynnu nabadda u wada guntanno, nin meel dheer telefoon kaga soo hadla oo aan dantaada eegayninna yaannu fidno ina gelinine nabadda halla xejiyo.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu baaq u diray warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha, waxana uu kula dardaarmay inay bulshada u tebiyaan warar xanaf tiran oo aan bulshada dhexdeeda fidno ka dhalinaynin, islamarkaana ay xil iska saaraan sidii ay isugu soo jiidi lahaayeen guud ahaanba shacabka Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland