4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
100 qoys oo la gaarsiiyay deeq ka timid wasiir Saadiq Warfaa

Isniin, May, 06, 2019 (HOL)-  Illaa 100 qoys ayaa maanta deeq raashin ah loogu qeybiyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug ,iyadoo deeqda ay ka timid wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xildhibaan Saadiq Warfaa.

"Deeqdan waxaa loogu talagalay in qoysaska danyarta ah ee ku nool degmada Galdogob iyo deegaannada ku dhow uga faa'iideystaan waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadaan". ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay'adda WARFAA FOUNDATION oo qoysaska danyarta ah raashinka gaarsiisay.

Qaar ka mid ah qoysaska ka faa'iideystay deeqdan ayaa u mahadceliyay wasiir Saadiq Warfaa iyo hay'adda WARFAA FOUNDATION , waxaa ay sheegeen inay ku soo aadday xilli deegaannada gobolka ay abaar ka jirtay lana galay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale, hay'adda WARFAA FOUNDATION ayaa garsiisay Kaamka Allaale oo ay ku noolyihiin qoysas danyar ah saddex booyadood oo biyo ah oo ka timid wasiir Saadiq Warfaa ,  oo loogu talagalay in bishan barakaysan  dadka kaamkaas ku dhaqan ay ugu samata baxaan.

Dadka deegaanka ayaa ku ammaanay wasiir Saadiq Warfaa , ka warqabka deegaannada gobolka Mudug oo ka mid ah dhulka ay muddooyinkii dambe xaaladda abaareed ka tagneyd,halkaa oo ay sidoo kale ku soo barakaceen qoysas ay saameysay abaaraha ka jira miyi iyo magaallaba.

Hay'adda WARFAA FOUNDATION ayaa horey qoysas danyar ah u gaarsiisay gargaar kala duwan,waxaana hay'adda ay sidoo kale deegaanno dhowr ah oo dhulka Soomaalida ah ka fulisaa mashaaric kala duwan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]