4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
Jen. Haftar oo diidday inuu joojiyo dagaalka bisha Ramadaan

Isniin, May, 06, 2019 (HOL)- Ciidammada daacadda u ah Jeneraalka fallaagoobay ee dalka Liibya,Khaliifa Haftar ayaa weerarro cusub ka geysanaya magaalada xarunta ah ee Tripoli,iyadoo hoggaamiyahaan uu diidday dalab uga yimid Qaramada Midoobay oo la xiriiray dhinacyada isku haya colaadda inay wadda gaaraan heshiis xabbad joojin ah bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaramada Midoobay, wuxuu ahaa dalabkeeddu in xaaladda ban’iidanimada la dhowro balse Jen. Haftar ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ballaariyaan go’aankooda iyo damacooda ah inay weerarro kale ku qaadan magaalada Tripoli si ay ula wareegaan gacan ku heynta halkaasi.

Jen. Haftar oo taageerro ka helaya dalal ay kuwa khaliijka ku yaalla ku jiraan ayaa doonaya inuu buuxiyo awoodda uu ku leeyahay dalka Liibiya, isagoo si gaar ah diiradda u saaraya sidii uu ula wareegi lahaa maamulka Tripoli.

Muddada uu dagaalka ka socday caasimadda Liibiya waxaa la aaminsanyahay tobonnaan kun oo qof inay guryahooda ka qaxeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]