4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
Ciidammada amniga oo gacanta ku dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay oo ku soo jeeday Muqdisho

Isniin, May, 06, 2019 (HOL)-  Taliska booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka amniga ay gacanka ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho,iyadoo Gaarigan uu noociisu ahaa Mini Bus ama Hoomey waxaa lagu qabtay agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi ee Ceelasha Biyaha.

Taliye ku-xigeenka Booliska ,Sareeye Guuto  Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gaariga qaraxa laga soo buuxiyay la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka gobolka Banaadir, waxa ay inta ku dartay intii lagu guda jiray in lakala furfuro waxyaabaha qarxa inuu gaariga qarxay.

"Agagaarka Xaawo Cabdi ee deegaanka Ceelasha Biyaha waxay ciidamada ammaanka ku qabteen Gaari qarax laga soo buuxiyay oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Gobolka Banaadir, iyadoo Ciidamada ku guda jiraan Furfuritaankiisa ayay nabad-diidku baabuurka qarxiyen waxaana ku dhaawacmay 1 askari". ayay tiri Taliye kuxigeenka Booliska.

Howlgalka gaarigan lagu qabtay ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda caasimadda Muqdisho iyo duleedkeeda,iyadoo muddada howlgallada ay socdeen looga hortagay qaraxyo kuwa waddada dhinaceeda lagu aaso iyo dad la soo qabqabtay oo ku guda jiray falal amni darro.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]